Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo sameeyay ballanqaad ku aaday Heshiiskii ay la galeen TPLF

Dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhada TPLF ayaa gaaray heshiis xabbad joojin ah oo xal looga gaarayo colaada sannadaha socday ee ka socda gobolka Tigrey ee kuyaalla waqooyiga Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa oo la hadlay baarlamaanka Itoobiya ayaa ballanqaaday in xukuumadiisa si daacad ah u hirgelinayso xabbad-joojintii ay dowladdiisu la gashay kooxda hubeesan TPLF.

Waxa uu u sheegay Abiy Axmed in la joogi xilligii nabadda laga shaqeyn lahaa lana soo afjari lahaa colaada waqtiga dheer, waxa uuna sheegay in xaalad adag ku sugan yihiin dadka ku sugan goobaha dagaalada ka socdeen.

Heshiiska horu dhaca ah ay gaareen dowladda Itoobiya iyo Jabhada TPLF ayaa suurto galiyay in gargaarkii daawo ee ugu horreeyay uu gaaro gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Midowga Afrika ayaa garwadeyn ka ah heshiiska xabbad joojinta ah ay gaareen dowladda Itoobiya iyo jabhada TPLF, waxaana heshiiska qeyb ka ah in jabhada TPLF hubka dhigto lana wareegto dowladda gobolka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Somalia oo xarun KMG loo dhisayo & naqshadeeda oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Yare oo si adag uga hadlay cida maanta u diiday in uu ka dhoofo Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha cusub ee Ruushka

admin
Taboola Ads ---