Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wasaaradii uu ka geeriyooday Sheekh Xasan Lugbuur oo Wasiir cusub loo magacaabay

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa wareegto uu saakay soo saaray ku magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda cadaaladda maamnulka Koonfur Galbeed.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa loogu magacaabay Xasan Cabduqaadir Maxamed in uu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda cadaaladda Koonfur Galbeed oo dhoor bilood wasiir la’aan aheyd.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur ayaa bartamihii sannadkan lagu dilay qarax miino oo ka dhacay magaalada Baydhabo, xilli uu wasiirka kasoo baxay masaajid uu ka aqriyay qudbadii salaada jimacaha.

Wasiirka la dilay ayaa ahaa nin sheekh ah oo si weyn looga yaqaanay, waxaana xukun dil ah lagu fuliyay ninkii ka dambeeyay dilka wasiir Lugbuur oo kamid ahaa wasiiradda ugu saameynta badnaa maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amaro lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Xaaladii Deg dega aheyd ee lagu soo rogay dalka Turkriga oo la qaaday

Cabdi Cade

Milatariga Azerbaijan oo burburiyay gantaallo ballistic ah iyo gantaallo ay laheyd Armenia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---