Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Turkiga oo ku gacan seyrtay dalab yaab leh oo kaga yimid Israel

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkigu diiday codsi ay Israa’iil kaga dalbatey in loo soo gacan galiyo Hogaamiyeyaasha Xamaas ee ku nool Turkiga.

Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dalabka yuhuuda uu yahay mid ay la yaabtay dowladiisa oo aan sinaba loo aqbali karin.

“Waan diidnay codsigii Israa’iil ee ahaa in loo gacan galiyo Hogaamiyeyaasha Xamaas ee ku nool Turkiga, wax la aqbali karana maaha” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga ayaa sheegay in Turkigu aanu Xamaas u aqoonsaneyn Urur Argagaxiso, isagoo intaas ku daray in Xamaas ay u arkaan urur u halgamaya xoreynta dhulka reer Falastiin.

Turkiga oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay dalalka islaamka ee sida weyn u taageera shacabka dulman ee reer Falastiin ayaa soo celiyey xiriirkii diblomaasi ee Israel oo sanado ka hor uu jaray xad gudubyada Israel ku heyso faklastiin awgood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Abiy Ahmed oo go’aan kama dambeys ah ka qaatay dagaalka uu kula jiro TPLF

Caydiid Ali

Madax xilal sare ka soo qabtay Somalia oo baaq deg deg ah ka soo saaray xaalada Laascaanood

Caydiid Ali

Puntland oo amar culus ku soo rogtay gaadiidka u gudbi jiray Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---