Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gole uu dhowaan Magacaabay Madaxweyne Xassan Shiikh oo kulankii ugu horeeyey yeeshay

Xubnaha cusub ee dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u soo magacaabay Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay oo rasmi ah.

Kulanka waxa shir guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka, ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha ee Madaxweynaha JFS, Dr. Hassan Adan Hoosow, waxaana ujeeddadiisu ahayd isbarasho, maaraynta xaaladda kala-guurka ee hoggaanka Golaha iyo in la isla meel dhigo tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo doorka Goluhu ka ciyaaro jihaynta iyo dejinta siyaasadda dhaqaalaha dalka.

Xubnaha cusub ayaa sidoo kale lafo-guray sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinkii hore u socday iyo diyaarinta qorshayaal cusub oo ku qotoma aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan koboca iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Mudane Dr. Xasan Aadam Hoosow ayaa xubnaha La-taliyayaasha Golaha ku boorriyay inay la yimaaddaan halabuur iyo hindisayaal cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha qaranka, iyo inay xilkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay hawlkarnimo, daacadnimo iyo isla-xisaabtan.

Xubnaha cusub ayaa dhankooda ballan-qaaday inay dardargelin doonaan shaqada Golaha iyo inay si joogto ah uga hawlgeli doonaan sidii loo jihayn lahaa koboca iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo loo marayo la-talin ku dhisan cilmi-baaris iyo aqoon dhaqaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Sare oo Shaaciyay Sababaha uu Saalax Axmed ku lumiyay kursigii Aqalka Sare

Cabdi Cade

Wasiirka Arimaha Gudaha oo faah faahiyay Habraaca Doorashooyinka ay soo bandhigeen

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyey Urur Siyaasadeed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---