Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Nin lagu eedeeyay in uu sameeyay Falka …

Fagaare kuyaal deegaanka Booco ee kuyaala bariga gobolka Hiiraan ayaa Al Shabaab xukun dil ah waxa ay kula fulisay nin lagu eedeeyay in canug yar ku sameeyay falkii qowmuluudka.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay goobta fagaaraha ee xukunka dilka ah lagula fulinayay ninkan lagu eedeeyay in uu ku kacay falka qowmuluudka, waxaa sidoo kale fagaaraha ku sugnaa saraakiil katirsan Al Shabaab.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ayaa sheegay in  Cabdi Shakuur Muxumed Axmed lagu helay in canug yar ku sameeyay falkii qowmuluudka, waxa uuna qaadiga xusay in ninkan qirtay falka lagu eedeeyay sidaasna xukunka dilka ah loogu riday.

Al Shabaab ayaa marar badan xukuno kala duwan oo dil ah ku fulisay dad ay ku heleen dambiyo kala duwan, waxaana dadka ay Al Shabaab toogteen ku jira kuwa ay ku eedeeyeen in ay ku kaceen falalka qowmuluudka iyo zinno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -