Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil lagu eedeeyay in dhul boob ku hayaan Dhul kuyaalla Muqdisho (Sawirro)

Kulan ay isugu yimaadeen Odoyaal, Waxgarad iyo Ganacsato ayaa looga hadley Cabasho ku saabsan Dhul Boob ay sheegeen in ku hayaan Saraakiil tirsan Dowlada Federaalka, Dhulkaas oo ay sheegeen in ku yaal Degmada Csbdicasiis ee Magaalada Muqdisho

Xubnihii kulankaas ku sugnaa ayaa inta aysan Warbaahinta la hadlin waxay soo bandhigeen Dukumenti Cadeynaya in ay Dhulkaas leeyihiin iyadoo qaar ka mid ay Sheegeen in Xitaa dacwadooda gaarsiiyeen Garsoorka Dalka iyo maamuladii soo marey Gobolka Banaadir

“Dadka Dhulkaas boobka ku haya waa Beesha Wacbuudhan qaarkoodna oo ka tirsan Beeshaas waxay nagu yiraahdeen Hubna waa heysanaa gudoomiyihii Gobolka waa anaga marka Cid wax naga qaadi karta ma jirto” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah odoyaashii ka qayb ka galey kulankan cabshada lagu Muujinayey

“Waxaa kaaga digayaa in Xoolahaada xalaasha ah aad iska geliso Dhulkaas aan Sharciga u heysano ogowna in aakhiro iyo Aduunba lagu weydiin doono ” sidaa waxaa xubnihii kulankaas ka qayb galey

Dhulkaan oo ka kooban 70 boos ayey sheegeen dadkii lahaa in ka dhaxeeyo 200 oo qof kuwaas oo ay sheegeen in ay u heystaan Dukumenti tilmaamaya in la cabirey 2008 dii iyagoo ka codsadey Dowlada Federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka in ay cabashadooda xal ka gaaraan

Dhulkaa oo ku yaal Dhabarka dambe ee Mariino ayey sheegeen in uu yahay dhul balaaran oo soo maray marxalado kala duwan gaar ahaan Maamuladii soo marey Gobolka Banaadir

Ugu dambeyn Milkilayaasha dhulkaas ayaa sheegey in dhulkooda ay u mari doonaan wax kasta xal ah oo dhulkooda ku heli karaan iyagoo uga digey saraakiisha ku howlan boobkaas in wixii dhib ah ee ka yimaada ay dusha u ridan doonaan

 

Related posts

Mareykanka: “Waxaynu aqoonsan nahay gobanimada Soomaaliya & Xuduudihii 1960kii

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in kansar laga qaado Biyaha caagadaha laga cabbo? (Cilmi baaris)

Caydiid Ali

Gudoomiye Baarlamaanka oo lagu doortay magaalada Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---