(Sawirro) Shirkad Mareykan ah oo arrimo Jaceyl awgood khasaartay ballaayiin dollar

Shirkad ka shaqaysa dhinaca lacagaha Online ka ah oo lagu magacaabo FTX ayaa maalmo kooban ku khasaartay lacag ku dhow 2 bilyan oo Dollar sida uu baahiyey wargeyska The Dailly Mail ee ka soo baxaya London.

Sababta keentay khasaarahan weyn ayaa lagu sheegay qalad uu sameeyey Milkiilaha shirkadda oo lagu magacaabo Sam Bankman-Fried.

Ninkan Dhallinyarada ah ayaa la sheegay inuu 10 Bilyan oo Dollar u wareejiyey gabar uu jacayl ka dhexeeyo taasoo lagu magacaabo Caroline Ellison.

Dadka qaar ayaa sidoo kale sheegaya inuu maamule shirkadda uga dhigay saaxiibaddiis taasoo si qaldan u maaraysay lacagihii dadweynuhu ku aaminay.

Booliska ayaa haatan bilaabay baaritaan ku aadan dhacdadan oo ka dhacday gobolka Bahamas ee dalka Mareykanka, waxaana shirkadaas dacwado ku soo oogaya qaar ka mid ah dadkii maalgashaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -