Allbanaadir.com
NEWS

Macawuusley la dagaallamaysa Al Shabaab oo lagu wareejiyay Galmudug (Sawirro)

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wareejiyay ciidamo dadka deegaanka ah , gaar ahaan kuwa loo yaqaan macawuuskleyda, kuwaa oo diyaar u ah in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Xinlabi ee gobolka Mudug ayaa masuuliyiin ka socotay maamulka Galmudug lagula wareejiyay ciidamo dadka deegaanka ah, kuwaa oo doonaya in ay la dagaallamaan Al Shabaab.

Wasiiru dowlaha Wasarada Arimaha Gudaha Federalka iyo dib uheshiisinta Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Omar Guureye ayaa uga mahadceliyay dadka deegaaka Xinlabi sida ay diyaarka ugu yihiin in ay la dagaallamaan Al Shabaab.

Wasiirka ayaana sheegay in Galmudug dooneyso in ay deegaannadeeda ka xureyso kooxda Al Shabaab, waxa uuna kula dar daarmay ciidamada deegaanka in ay kaalin weyn ka qaataan xureynta deegaannada Al Shabaab wali heestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khaatumo oo shaacisay cida fulisay dilkii loo geestay Faarax Ceydiid

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho si weyna loo soo dhaweeayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirada & Xildhibaanada Hawiye oo caawa kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---