Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Cali Jeyte oo soo gaaray Muqdisho kana hadlay Ujeedka Socdaalkiisa

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho , waxa uuna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ujeedka safarka uu ku yimid caasimadda.

Cali Jeyte ayaa Muqdisho soo gaaray kaddib markii madaxda dowladda Soomaaliya u yeereen,  waxa uuna guddoomiyaha gobolka hormuud u yahay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho u yimid dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in uu kulamo la qaadan doono madaxda dalka ugu sareysa uuna kala hadli doono sidii loo dardagelin lahaa howlgalada Al Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan iyo sidii dowladda u kordhin laheyd taageerada howlgalasa socda.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda dowladda u yeereen Cali Jeyte si ay ugala hadlaan qaladaad mararka qaar ka dhaca howlgalada socda gaar ahaan ballanqaadyadii dilka Al Shabaab uu sameeyay iyo sida loola dhaqmo meydadka Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka hadlay dil magaalada Muqdisho uu ka geestay askari katirsanaa ilaaladiisa

Cabdi Cade

Ruto oo saxiixay in caasimada Kenya laga raro Nairobi

Caydiid Ali

Ciidanka Israel oo mar kale xasuuqay dad safaf ugu jiray cunto gargaar ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---