Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka dhoofay Muqdisho iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa..

Xamse Barre ayaa inta uu joogo magaalada Jabuuti waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee Soomaaliya iyo Jabuuti  uu la yeelan doonaa madaxda dalkaasi.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Barre ayaa dhoor mar u baxay safaro dalka dibadiisa ah gaar ahaan dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha ka shaqeenaya xoojinta xiriirka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo la kulmay Xubnaha cusub ee Puntland ku metelaya Aqalka sare (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Ramaphosa oo beertiisa ku qariyay lacago lasoo xaday iyo Xaalka oo ku xun

Cabdi Cade

Soo galootiga ku nool dalka Talyaaniga oo loogu baaqay in Boorsooyinkooda xir xirtaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---