Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo la kulmay Xubnaha cusub ee Puntland ku metelaya Aqalka sare (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Madaxtooyada Garowe Casho Sharaf ugu sameeyay Guddiyada Doorashadda Soomaaliya heer Federaal iyo heer Puntland iyo 11-ka mudane/marwo ee Puntland ku metelaya Aqalka Sare ee DFS.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Deni ayaa uga mahad celiyey xubnaha baarlamanka Puntland iyo guddiyada doorashada ee heer federaal iyo dowlad goboleed sidii ay u qabteen doorashada xubnaha aqalka sare.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isla xalay Kulan la qaatay Guddiga dhismaha ee Dekadda Garacad.

Kulanka waxaa looga hadlay dhameystirka wejiga koowaad ee Dhismaha Dekadda Garacad, ka howlgelinta hay’addaha Dowladda Dekadda Garacad iyo horumarinta mashaariicda ku xeeran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Afghanistan oo aqbashay shuruud Taliban ku xirtay iney wada hadlaan

Caydiid Ali

Dad sabab yaab leh darteed gaajo ugu geeriyooday dalka Kenya iyo Booliska oo..

Caydiid Ali

Dhowr Buufino Basaas ah oo Ruushku lahaa oo lagu soo riday dal Yurub kuyaalla

Cabdi Cade
Taboola Ads ---