Dagaal khasaare nafeed geystay oo caawa ka dhacay degmada Afgooye

Dagaal ayaa caawa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogag taabacsan Al-Shabaab.

Warka ayaa sheegaya in dagaalkan oo muddo kooban socday uu bilowday markii dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ciidamada dowladu ku leeyihiin buundada degmadaas.

Daryanka rasaas xooggan oo la isweydaarsanayey ayaa laga maqlay guud ahaan degmada Afgooye, iyadoo shacabka degmadaas ay la soo deristay cabsi.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalkan inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin

Xaalada ayaa kacsan sida la soo sheegayo, iyadoo goobaha ganacsiga la xiray, waxaana goobta dagaalku ka dhacay gaaray ciidamo kale oo ka tirsan dowlada kuwaasoo xoojinaya ciidamadii halkaas lagu soo weeraray.

Al-shabaab ayaa baraha internetka ee taageera ku soo daabacay in ciidamooda ay ka  dagalamayaan gudaha degmada Afgooye, ayna khasaare culus u geysteen ciidamada dowlada, balse Maamulka iyo saraakiisha ciidamada degmada Afgooye ayaan ka hadlin dagaalkan, mana jiraan warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -