Farmaajo oo la sheegay inuu raali gelin ka bixiyey dhiibistii Qalbi-dhagax

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay magaalada Asmara Guddoomiyaha Jabhadda ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan, kaasoo ahaa kulankii ugu horeeyay ee dhex mara.

Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay inay la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka wadahadleen arrimo dan u ah labada dhinac, isla.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uuu raaligelin ka bixiyey dhiibistii C/kariin Qalbi-dhagax ee Itoobiya, uuna muujiyey iney ka xun yihiin.

“Madaxweynaha wuxuu muujiyey inuu arrintaas aad iyo aad uga xun yahay, wuxuuna urur ahaan raali gelin naga siiyey arrintaasi, wuxuuna noo sheegay inay ahayd wax aan lagu talogalin” ayuu yiri Guddoomiyaha ONLF Admiral.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowaan xabsiga ka sii daayey Cabdikariim Qalbi-dhagax ka dib muddo toban bilood oo uu dalkaasi ku xirnaa, waxaana u soo gacan gelisay dowlada Somalia oo dalka gudihiisa ka qabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -