Robert Mugabe oo hadal yaab leh ka sheegay doorashada beri ka dhaceysa dalkiisa

Madaxweynihi hore ee dalkaasi Zimbabwe Robert Mugabe ayaa shir jaraa’id oo lama filaan oo uu qabtay ka sheegay iyada oo cod bixinta maalin un ay ka harsan tahay.

Mr Mugabe wuxuu sheegay inuusan taageereyn ninka xilka ka qaaday oo ku tartamaya magaca xisbiga isaga uu sameeyey ee Zanu PF, Emmerson Mnangagwa, maadaamaa uu xoog iiga qaaday buu yiri xafiiski aan anigu sameeyey.

“Codkeyga ma siin doono oo waxaan doorashada Isniinta dhaceyso codkeyga siin doonaa 22 musharrax ee kale musharraxa aan ka doorto.”  ayuu yiri mugabe

Shacabka dalkaasi Zimbabwe waxay codbixinta u dareerayaan maalinta Isniinta doorashadan oo noqoneyso tii ugu horreysay oo dhacda tani iyo marka xilka laga qaday Mr Mugabe bishi November.

Mr Mugabe oo gurigiisa ku yaalla magaalada harare ku yaalla kula hadlay warbaahinta ayaa wuxuu markale sheegay, “in la afgambiyey”, rag saraakiil ah oo ciidamada ka tirsan iney afgambiyeen xilkana uu isaga dagay “si dalka uu dagaal uga dhicin.”

Wuxuuna intaa ku daray “inuu taageerayo musharraxa xisbiga mucaaradka ee MDC Nelson Chamisa, inuu codkiisa siiyo maalinta Isniinta.Waxaanna rajeeynayaa ayuu yiri in isaga la doorto, haddii isaga la doortana aniga sidaa ayaan raalli ku ahaanayaa.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -