Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askar ka tirsan Milateriga Jabuuti oo laga sii daayey afduub loo heystay

Lix askari oo ka tirsan ciidanka Jabuuti oo ay afduub u haystay jabhadda mucaaraadka ah ayaa la siidaayay.

Siidaynta askartan ayaa waxaa shaaca ka qaaday jabhadda FRUD iyo dowladda Ethiopia oo iyadu ka qayb qaadatay waanwaanta lagu sii daayay askrtan.

Wasiirka gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa hore ugu tilmaamay garabka hubaysan ee Jabhadda ‘‘Soo celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda’’ ee loo yaqaano FRUD inay yihiin koox argagaxiso ah.

Warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, ayay kooxdu ku sheegtay in aanay rabin in uu sii daba dheeraado welwelka qoysaska askarta maxaabiista ah, isla markaana aanay rabin in ay xabsiga dhigaan muwaadiniin reer Jabuuti ah, sidaas darteedna ay go’aansadeen in askartaas ay ku wareejiyaan dowladda deriska ah ee Ethiopia.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia ayaa soo saartay bayaan ay ka soo xiganayso safiirka u jooga Jabuuti, waxayna sheegtay in “in askartaas lagu wareejiyay dowladda Jabuuti” iyaga oo intaas ku daray in labada dowladood ay ka wada shaqaynayaan xoojinta iskaashiga nabadda iyo amniga.

FRUD ayaa taageero ka haysata qowmiyadda Canfarta ee waqooyiga Jabuuti.

Jabhadda ayaa billowday kacdoon ka dhan ah dawladda 1991-kii.
Ururka ayaa markaas u kala jabay laba garab oo kala ah garab siyaasadeed oo qayb ka ah isbahaysiga talada haya ee UMP ee taageera Ismaaciil Cumar Geelle, iyo garab hubaysan.

Jabuuti ayaa ku taallaa goob istaraatiiji ah iyo marin muhiim u ah maraakiibta, taasi oo u sahashay in ay martigeliso saldhigyada milatariga shisheeye, oo ay ku jiraan xarumo waaweyn oo ay ku leeyihiin ciidamada Faransiiska, Maraykanka iyo Shiinaha.

SOURCE: VOA/AFP

Related posts

Abiy Axmed oo Hanjabaad culus hawada soo marsiiyay fariina u diray shacabka Itoobiya

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Munaasabad heer sare ah oo lagu qabtay Xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo soo riday Diyaarad Basaas oo dowladda Mareykanka leedahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---