Abaabul Dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab oo ka bilowday gobolka Mudug (Sawirro)

Maamul goboleedka Galmudug ayaa bilaabay abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee jooga jooga gubolka Mudug, waxaana deegaano katirsan gobolkaasi gaaray wasiiro iyo masuuliyiin kale oo katirsan Galmudug.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) iyo guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Xuseen Shire (Bukhaari) ayaa gaaray degmada Wasir ee gobolka Mudug , waxa ayna halkaasi ka bilaabeen abaabul dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Masuuliyiintan ayaana tagay fariisimaha ciidamada daraawiishta Galmudug ku leeyihiin duleedka Wasil, waxa ayna halkaasi kula kulmeen saraakiisha hogaamisa ciidamada Galmudug oo ku sugan aagaasi, waxa ayna ka dhageesteen warbixino kala duwan.

Saraakiisha ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in diyaar u yihiin in ay qeyb ka noqdaan howlgalada qeybo kamid ah dalka ka socda ee lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro gobolada dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Gaboobe ayaa u sheegay saraakiisha iyo ciidamada halkaasi ku sugan in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan degmada Xarardheere iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Mudug.

Al Shabaab ayaa saldhiga ugu weyn ee ku leeyihiin gobolada Dhaxe waxa uu kuyaalaa degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, mana jiraan ilaa hadda howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo ciidamada iyo dadka deegaanka ka bilaabeen gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -