Ammaanka Buundooyinka kuyaalla magaalooyinka Hirshabelle oo si weyn loo adkeeyay

Ammaanka buundooyinka kuyaalla magaalooyinka waa weyn ee maamulka Hirshabelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loo adkeeyay, waxaana jirta cabsi laga qabo in qaraxyo lagu weeraro buundooyinkaasi.

Sida aan wararka ku helnay ammaanka buundooyinka kuyaalla magaalooyinka Baladweyn, Buulaburde, Jalalaqsi, Jowhar iyo Balcad ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dhinacyada buundooyinkaasi la dhigay ciidamo ammaanka suga.

Ciidamada ayaa la sheegay in labada hareer ka dageen buundooyinka, waxa ayna ciidamada baarayaan gaadiidka iyo dadka adeegsanaya buundooyinkaasi, waxaana mararka qaar loo diidayaa in ay isticmaalaan baabuurta iyo mootooyinka .

Al Shabaab oo khasaarooyin xooggan lagu gaarsiiyay dagaalo ka dhacay gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan ayaa lagu gaarsiiyay khasaarooyin badan, waxaana jirta cabsi laga qabo in Al Shabaab weeraro aargoosi ah sameeyaan.

Buundada degmada Buulo burde ayaa dhawwaan Al Shabaab qarxiyeen, waxa ay sidoo kale Al Shabaab qaraxyo aargoosi ah ka geesteen magaalooyinka Buulaburde iyo Jalalaqsi ee katirsan gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -