Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ciidan oo kutaalla Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay qof waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa goordhaw ka dhacay xerada ciidamada lagu tababaro ee loo yaqaan Nacnac ee kutaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku heleyno qofka waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa dhax galay dhallinyaro la sheegay saf ugu jiray in ay galaan gudaha xerada Nacnac si ay halkaasi tababar ciidan ugu qaataan.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walina lama oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxan goordhaw ka dhacay xero Nacnac.

Xero Nacnac ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah ay fuliyeen dad waxyaabaha qarxa jirkooda kusoo xiray, waxaana qaraxyadan inta badan la beegsaday ciidamo tababar ku qaadanayay xeradaasi.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -