Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Labo Dayuuradood oo Muqdisho ka qaaday Ciidan qaab beeleed u abaabulan

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo qaab beeleed u abaabulan ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, kuwaasoo gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ciidankan oo ka soo jeeda beesha Duduble ayaa waxay Muqdisho ka qaaday labo diyaaradood, iyagoo watay qalabkooda milateri.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay xoojin doonaan ciidamo horey halkaas loo geeyay oo loo diyaarinayo iney Al-Shabaab ka saaraan degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Sidoo kale berri oo Jimco ah iyo maalinta xigta ee Sabtida ah ayuu qorshuhu yahay in ciidamo kale laga daabulo magaalada Muqdisho, laguna xoojiyo ciidankan lagu diyaarinayo Dhuusamareeb

Dhowaan labada beelood ee wada dagmooyinka Ceelbuur, Ceel la helay  Galhareeri iyo kuwa kale ayaa isla gartay xoreynta degaanadaas qadiimiga ah oo ay muddo dheer ka talinaysay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Wakiilka Q/M ee Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Sare u kac weyn oo ku yimid qiimaha la iibiyo xoolaha nool ee Suuqyada Muqdisho

Caydiid Ali

Siyaasi Caan ah oo qormo ka sameeyay Kuraasta Xildhibaanada ee xawilaada lagu sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---