(Akhriso) Wasiir ka tirsan DF oo ka inkaarsaday shaqaale ka tirsanaa Wasaaradiisa

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumada Somalia Jibril Abdirashid Xaaji ayaa lagu kala diray shaqaalihii aan gunnada qaadan jirin ee sida KMG ah wasaaraddaas u joogay.

Shaqaalahan oo aan tiradooda rasmiga ah la shaacin ayaa muddo sanado ah maalin walba tegi jiray Wasaaradaas, iyagoo intaas sugayey in si rasmi ah loo shaqaaleeyo.

Hase ahaatee, Wasiirka Wasaaradda Gancsiga iyo Warshadaha ee Xukuumada Somalia ayaa soo saaray wareegto lagu kala diray shaqaalahaas taasoo soo afjartay rajadii  ay ka qabeen in lagu daro shaqaalaha Wasaarada

“Muddo labo sano ka badan ayaan ka tirsanaa shaqaalaha aan rasmiga aheyn ee Wasaarada, bas raaca anigaa iska bixin jiray, anigoo rajo ka qabay in maalin maalmaha ka mid ah aan wasaarada ka heli doono xuquuq shaqaale oo dhameystiran, balse rajadaas hadda wey soo afjarantay” ayuu ku cataabay mid ka mid ah shaqaalaha KMG ah ee la kala diray.

Shaqaalaha aan rasmiga aheyn ee sugaya in mustaqbalka la shaqaaleeyo ayaa ka howlgala dhamaan Wasaaradaha iyo heyadaha dowlada, iyadoo Wasiirka ganacsiga uu noqday wasiirkii ugu horeeyey ee kala dira shaqaalahaas.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA WASIIRKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -