Maxaa ka soo kordhay baadigoobka dadkii lagu waayay qaraxyadii Soobe?

Waxaa quus iyo rajo beel laga muujinayaa baadigoobka 13 qof oo lagu la’yahay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho kuwaasoo markii cid ugu war dameysay joogay goobta qaraxyadu ka dhaceen.

Masuuliyiin ka tirsan Guddiga gurmadka ee DF ayaa wada tira koobka khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarradii Sabtidii, waxayna sheegeen in dadka la la’yahay haatan laga rajo dhigay in nolol iyo geeri midkood lagu helo

Hilbo iyo xubno googo’ay ayaa laga helay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen hase ahaatee lama hayo shaybaarka lagu hubiyo ama lagu qaado dheecaanka hide sidaha ah ee loo yaqaano DNA, kaasoo sahli lahaa in la ogaado cidda ay yihiin hilbhaas.

Dhinaca kale, waxaa weli magaalada ka socda gurmad ay sameynayaan qeybaha bulshada gaar ahaan dhalinyarada kuwaasoo kaalmooyin kala duwan iyo agabyo baahi loo qabo gaarsiiyey dhaawacyada jiifa isbitaalada Muqdishho.

Ugu yaraan 120 qof ayaa ku geeriyootay, halka 370 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyadii ka dhacay nawaaxiga Soobe oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -