Caqabad soo wajahday Wadahadalka u socda dowlada Itoobiya & Maamulka TPLF

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in faragelin weyn oo shisheeye lagu hayo wadahadalka  socda ee u dhaxeeya dowladdiisa iyo maamulka gobolka colaadu ka taagan tahay ee Tigray.

Abiy Axmed ayaa xusay ineysan weli ka rajo dhigin in heshiis nabadeed laga gaaro colaada ka taagan woqooyiga dalkaas oo sababtay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca boqolaal kun oo kale.

Waxaa uu sheegay in reer Itoobiya ay xalin karaan arrimaha ay isku hayaan hadii fara gelinta dibeda laga joojiyo.

Haddii ay jirto faragelin badan oo bidix iyo midig ah, aad ayay u adag tahay in natiijo wax ku ool ah la gaaro, Waa inay fahmaan inaan arrimaheena anaga xallin karno.” ayuu yiri Abiy Ahmed oo qiray in ciidankiisu qabsadeen magaalooyinka Shire, Axum iyo Adwa oo ka tirsan gobolka Tigray wadahadalka ka hor.

“Waxaan isku dayeynaa inaan ku qancino TPLF inay ixtiraamto sharciga dalka, inay ixtiraamto dastuurka iyo inay u dhaqanto sidii hal maamul oo ka tirsan dalka Itoobiya,” ayuu yiri.

Wadahadalo u dhexeeya dowlada Itoobiya iyo maamulka TPLF ayaa ka socda dalka Koonfur afrika, kuwaasoo uu garwadeen ka yahay Midowga Afrika, welina wax natiijo ah kama soo bixin wadahadalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -