Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Somaliland oo la wareegtay Degmo Puntland qorsheeneysay in doorasho ku qabato

Ciidamo aad u hubeesan oo katirsan milatariga maamulka Somaliland ayaa saakay la wareegay degmada Boocame ee gobolka Sool, halkaas ay horey ugu sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Wariyaal ku sugna degmadaasi ayaa soo sheegaya in mar qura soo galeen ciidamo katirsan milatariga Somaliland oo aad u hubeesan, waxa ayna ciidamadan la wareegeen xarumihii maamulka degmada iyo goobihii kale ay joogeen ciidamada Puntland.

Ciidamadii iyo maamulkii degmada Boocame u qaabilsanaa degmada Boocame ayaa ku sugan duleedka magaalada, waxa ayna labada ciidan ee iska soo horjeeda wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Degmada Boocame ayaa ah magaalada ugu weyn ee Puntland ka maamusho gobolka Sool, waxaana la qorsheenayay in dhawwaan degmadaasi ka qabsoonto doorashooyinka qof iyo cod ay ku tartamayaan ururada Puntland ka jira.

Maamulka Puntland ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin degmada Boocame ay saakay la wareegeen ciidamada Somaliland, lamana oga in ciidamada Somaliland  degmadaasi kusii sugnaan doonaan iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaallo keliya oo kutaalla Liibiya oo ku dhinteen in ka badan 5,200 oo qof kaddib markii..

Cabdi Cade

Ganacsade saakay lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

admin

(Sawirro) Dowlada Somalia oo Turkiga kala wareegtay gaadiid casri ah oo Gaashaaman

Caydiid Ali
Taboola Ads ---