Madaxweyne Biden oo ka fiirsanaya sida laga yeelayo dalab ka yimid DFS

Maamulka Biden ayaa ka fiirsanaya codsi uga yimid dowlada Soomaaliya oo ah in Mareykanka dabciyo xannibaadaha duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee militariga ay la beegsanayaan dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya ee Geeska Afrika, sida ay wargeyska New Yor York Times u sheegeen saraakiil badan oo Mareykan ah.

Codsigan ayaa imaanaya iyadoo maamulka cusub ee Soomaaliya uu billaabay duulaan ka dhan ah Al Shabab, iyadoo dhowr maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah ay ku biireen dagaalka dowladda dhexe. Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale dhawaan 450-askari oo Maraykan ah dib ugu soo daad gureeyay Soomaaliya, taasoo meesha ka saartay ka bixitaankii lama filaanka ahaa ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald J. Trump bishii Janaayo 2021.

Balse dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in hawl-wadeennada ciidamada Mareykanka ay awood u yeeshaan inay weeraraan kooxaha Al-shabaab oo laga yaabo inay khatar ku yihiin ciidamada Soomaaliya – xitaa haddii aysan hadda xabbad ku ridin, ayay saraakiishu sheegeen. Talaabadan noocan oo kale ah waxay sii kordhinaysaa ku lug lahaanshaha Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee mudada dheer socday.

Bishii May, Soomaaliya waxay dooratay madaxweyne cusub, Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna xilkan hayay intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017. Tan iyo markii uu xafiiska ku soo noqday, wuxuu mudnaanta koowaad siiyay dib u celinta Al Shabaab. Wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee curdanka ah ay duulaan ku qaadaan dhulka miyiga ah, isagoo qorsheynaya in la gaarsiiyo adeegyada lagu xasilinayo deegaannada dhowaan la xoreeyay, wuxuuna isku dayayaa inuu iskaashi xooggan la yeesho hoggaamiyeyaasha beelaha iyo xulafada caalamiga ah.

Sidoo kale, Maleeshiyo Beeleed ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, ee Bartamaha Soomaaliya, ayaa dagaal ba’an kula jira Ururka Al Shabaab, ka dib markii ay ka soo horjeesteen xukunkooda iyo canshuuraha..

“Iyadoo qayb ka ah habkan dhammaystiran, millatariga Maraykanku waxa uu ka shaqeeyaa inuu tababaro oo uu taageero ciidamada Soomaaliya ee dardar-gelinaya weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab.

Soomaaliya hadda waa xudunta u ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee Mareykanka. Ciidamada ayaa inta badan duqeymaha ay halkaasi ka geystaan ​​waxa ay ku macneeyeen “is-difaac wadareed” oo ay sameynayaan ciidamada saaxiibada la ah Soomaaliya oo mararka qaar u baahnaa in la cawiyo, maadaama ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. Taas oo ay ku jirto weerar 18-kii Sebtember oo ay ciidamadu sheegeen in ay ku dileen 27 dagaalyahan.

Taliska Pentagon-ka ee Afrika ayaa ku dhawaaqay todobaadkan in duqeyntii ugu dambeysay ay dhacday Axadii ayna ku dileen labo dagaalyahan, taasoo tirada guud ee weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay sanadkan ka geysteen dalkaasi ka dhigaysa 11. Talisku wuxuu u kala saaray 10 ka mid ah duqeymahaas kuwa isdifaac ah.

Oktoobar 1-deedii, sida muuqata waxaa duqeymaha mareykanka lagu dilay hoggaamiye sare oo Al-shabaab ah, Cabdullaahi Nadiir, kaasoo ku jiray liis ay ku qoran yihiin tobaneeyo Mr. Biden oo oggolaaday in la beegsado haddii ay ciidamadu helaan.

Mr. Biden ayaa dhawaan saxiixay siyaasad lagu maamulayo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ka dhaca meelo ka baxsan aagagga dagaalka taasoo u baahan ogolaansho madaxweyne si loo beegsado mintidiin gaar ah. Siyaasaddu waxay khusaysaa Soomaaliya, laakiin waxay ka dhaaftay weerarrada is-difaaca.

Codsiga Soomaalida ayaa weli la qiimeynayaa, saraakiishu waxay yiraahdeen, Pentagon-ka ayaan weli si rasmi ah ugu soo bandhigin Aqalka Cad wax talo bixin siyaasadeed ah oo la socota..

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo dowladda Soomaaliya kala taliya, kana caawiya dagaalka ay kula jirto Al Shabaab. Xubnaha Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 18,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah. Turkiga, Midowga Yurub, Britain, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa iyaguna ku lug leh.

Saraakiisha maamulka Biden ayaa sababeeyay sii socoshada doorka Mareykanka ee la dagaalanka Al Shabaab iyagoo ku tilmaamay kooxdan midda ugu dilka badan uguna qanisan laamaha caalamiga ah ee Al-Qaacida. Saraakiisha sirdoonku waxay ku qiyaaseen in Al Shabab ku dhawaad ​​7,000 ilaa 12,000 oo xubnood ay leeyihiin iyo dakhliga sanadlaha ah ee canshuuraha dadka rayidka ah ay ka qaataan oo gaareysa ilaa $120 milyan.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa ka walaacsan sii wadida duqeymaha Mareykanka iyo tababarida ciidamada nabad sugida Soomaaliya, iyagoo sheegay in habkan uusan wiiqin Al Shabaab tobankii sano ee la soo dhaafay.

“Shaki la’aan duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa cadaadis ku sii kordhinaya, marka laga soo tago kacdoonka bulshada deegaanka, waa mid ka mid ah waxyaabaha ay ka baqayaan Al-shabaab”

Tan iyo markii uu xukunka ku soo laabtay sanadkan, Mudane Maxamuud waxa uu wacad ku maray inuu Al Shabaab ka saari doono deegaanada ay sanado badan maamulayeen. Khudbado uu ka jeediyay Telefishinada, Masaajida iyo Goobaha ay dadku isugu yimaadaan ayuu ugu baaqay Soomaalida in ay ku biiraan weerarka.

“Soomaaliya waxay ka guuleysan doontaa cadawga sida xaqdarada ah u baabi’iyay dalka, dadka iyo diinta,” ayuu ku yiri Mudane Maxamuud muuqaal dhawaan lasoo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Maamulkiisa ayaa isku dayaya in uu xakameeyo fursada ay kooxda u heli karto adeegyada bangiyada iyo in ay ka faa’ideystaan ​​kacdoonka ay maleeshiyaatka deegaanka ee ka dhanka ah Al Shabab. Kooxahan oo loo yaqaano Macawisley ayaa waxa ay ka xoreeyeen tobonaan tuulo oo ku yaala bartamaha Soomaaliya iyagoona ku dilay boqolaal ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa rajeynaya in arrintan ay bilow u noqon karto kacdoono beeleedyo ka dhan ah Al Shabab, kuwaasoo sii xoogeysanayay sanadihii ugu dambeeyay iyadoo dowladda ay aad uga cabanayeen musuq maasuq, dagaalo siyaasadeed oo dhex maray iyo ku guul dareysiga adeegyada aasaasiga ah.

“Maleeshiyo beeleedyadan waa kuwa ugu dhow dhulka, waxayna leeyihiin dhiirigelinta ugu badan ee lagu taageerayo dowladda,” ayay tiri Samiira Geyd, oo ah madaxa fulinta ee Machadka Hiraal, oo ah xarun cilmi baaris oo ku taal Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

WARBIXINTA NEW YORK TIMES

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -