Madaxweynaha cusub ee dowlada Tanzania Saamiya Suluhu, ayaa si rasmi ah Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi u magacawday wasiirkii maaliyadda ee Xukuumada Tanzania Philip Isdor Mpango.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Tanzania ayaa xildhibaanada kahor shaaciyay magacaabista Madaxweyne kuxigeenka, Xildhibaanada ayaana sacab kusoo dhaweeyay in Madaxweyne kuxigeen loo magacaabo Philip Isdor Mpango oo ah siyaasi saameyn badan ku leh dalkaasi.
Madaxweyne kuxigeenka cusub ee dowlada Tanzania horeyna usoo ahaa Wasiirka maaliyadda dalkaasi ayaa loogu yeeraa Wasiirka qunfaca, kadib markii dhawaan isaga oo shir jaraa’id qabanaya qunfac badan galay.
Shacabka Tanzania ayaana ugu magac daray Wasiirka qunfaca Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Tanzania, masuulkan ayaana xiliga uu qunfacayya ka tacsiyadeenayay masuuliyiin bishii hore u dhintay cudurka Covid-19.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com