Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Taliyaasha ciidamada Booliiska iyo la Dagaalanka Argagaxisada Puntland oo la magacaabay

Wareegto uu maanta soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntaland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaay taliyaha cusub ee booliiska Puntland iyo kan la dagaalanka argaxisada

Madaxweyne Deni ayaa wareegtada uu soo saaray ku magacaabay Sareeye Guuto Muumin Cabdi Shire in uu noqdo taliyaha booliiska Puntland ,halka Cismaan Maxamuud Maxamed loo magacaabay taliye kuxigeenka labaad ee booliiska Puntland.

Wareegto kale uu maanta soo saaray Madaxweynaha Puntland ayuu  taliyaha cusub ee ciidanka la dagaalanka argagaxisada ugu magacaabay in uu noqdo Sareeya Gaas Muxudiin Axmed Muuse .

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta wareegrooyin dhoor ah uu soo saaray ku magacaabay xilal kala duwan, waxaana isbadalka Deni ku raadinayaa taageere cusub xilli muddo xileedkiisu dhammaad ku dhaw yahay.

Related posts

Gogoshii uu fidiyay Madaxweyne Xasan oo tallaabo loo qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo fariin u diray madaxda dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF ee dagaalka wada

Cabdi Cade

Mataano la dilay 4 maalin kaddib dhalashadooda xilli aabahood uu…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---