Nin Maalintii Wariye ah Habeenkiina kabo tole ah !!! (Daawo Sawirada)

Nin u dhashay dalka Hindiya oo labo xirfad oo kala duwan ku shaqeysta ayaa soo jiitay indhaha Warbaahinta caalamka , waxaana ninkan uu ka sheekeeyay sida uu Wariye ku noqday isaga oo horey kabo tole ama sameeye u ahaa.

Suresh Nandmehar, ayaa sheegay in maalintii ku shaqeysto xirfada Wariyanimada halka habeenkiina uu ku shaqeysto sameynta kabaha, waxa uuna ninkan tilmaamay in uu la qabsaday labadaasi shaqo uu qabto.

” Labadeeda shaqo aan isku wado wax dhibaato ah kuma qabo, maalintii waxaan ku shaqeestaa Wariye ahaan , halka habeenkii waxii ka dambeeya 7-da fiidnimo ilaa saqda dhaxe ku shaqeysto xirfada kabo sameynta  ” ayuu yiri Suresh Nandmehar,

Ninkan ayaa sheegay in sababta uu Wariye ku noqday ay aheyd kadib markii dowlada Hindiya sanadkii 2002-dii xoog uga rartay goob mehrad ganacsi ku lahaayeen, waxa uuna xusay in Warbaahinta ay ka aamustay in ay ka hadlaan cabashadooda.

Suresh ayaa sheegay in hada uu daabaco wargeys lagu magacaabo Baal ki Khaal. waxa uuna tilmaamay in uu wax ka qoro kana sheekeeyo xaaladaha ay wajahaan dadka isaga lamid ah si warkooda u qarsoomin.

”Waxaan wargeyskeyga ku qoraa wararka ku saabsan dadka aniga ila midka ah, anigoo ka sheekeynaya xaaladaha ay wajahaan. Wali waxaan xasuustaa maalintii murugada badneyd ee nalaga kiciyay dhulkii aan ganacsiyada ku lahayn. Xilligaas warbaahinta gobolku nama aysan garab istaagin, hal sheeko oo nagu saabsanna ma aysan baahinin. Ma jirin cid maqashay dhibaatadeenna. Waxaan mudaharaadeynay 27 maalmood si aan u horjoogsanno go’aanka ay nagu rareysay dowladdu, xitaa anigu marna gurigeyga ma tagin intii uu mudaharaadkjaas socday, laakiin cid naga war heshay ma jirin”, ayuu yiri Suresh.

Ninkan ayaa sheegay markii dowlada dhulka ka barakicineysay hadii hal Warbaahin xitaa warkooda tabin laheyd ay rumeesnaayeen in ay bad baadi laheeyeen, waxa uuna xusay waxii xiligaa ka dambeeyay go’aansaday in uu barto xirfada wariyanimo.

“Laga soo billaabo sanadkii 2003-dii, si joogto ah ayaan u baranayay saxaafadda, maalin kastana wax cusub ayaan sii bartaa. Qoyskeyga ayaa taageerada ugu ballaaran isiinayay, wiilkeyga iyo gabadha aan sodogga u ahayba waxay iga caawiyaan sixitaanka qoraallada iyo xaqiijinta erayada ku haboon qormooyinka. Ganacsatada khudaarta, kuwa shaaha iibiya – dhammaantood waxay ii keenaan wararka xaqiiqda ah ee ka jira deegaanka, laakiin kabatoleyaasha ayaa ah wariyeyaasheyda joogtada ah, waxayna maalin kasta ii keenaan waxa cusub ee ka jira magaalada” ninkan wariyaha iyo kabo tolaha isku ah.

Sheekada ninkan u dhashay dalka Hindiya ayaa soo jiitay Warbaahinta caalamiga qaarkood, waxaana BBC-da sheekada ninkan ka sameesay muuqaal ay kaga hadleyso shaqadiisa iyo waxii ku kalifay in labadan shaqo isku dhax wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -