Shirkadda Korontada ee BECO ayaa Qiimo Dhimis Hor leh ku sameysey Adeegeedii Korantada si ay bulshada Soomaaliyeed ugu faa’iideestaan , waxaana qiimo dhimistan shir jaraa’id ku shaaciyay Masuuliyiin katirsan Shirkada.
Shirkaas Jaraaid waxaa ka Hadley Madaxa Howlgelinta Shirkada BECO Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xalane waxaa uu ku dheeraadey Heerarkii Qiimo Dhimis ee ay Shirkada Soo Martey tan iyo Markii Shirkada ay Midowdey si ay Macaameesheeda u dareemaan adeega ay bixiso Shirkada BECO.
“ Wixii Maanta ka dambeeya Shirkada waxay Qiimo Dhimis ku sameysey Adeegii Korontada oo ay gaarsiisey 0.48% kaasoo markii hore uu ahaa 0.55% , ujeedkuna waa sidii Macaamiisha Shirkada ee isticmaala Koronto Badan loogu Daneyn lahaa” sidaa Waxaa yiri Madaxa Howlgelinta ee Shirkada BECO oo sheegey in Qiimahaas uusan noqon doonin mid halkaas Taagnaada waxaa uu sii raaciyey.
“ Qiimo Dhimista waxaa loo sameeyey sidii ay Fursad ku heli lahaayeen Warshada yar yar si loo dhiirageliyo in dalka la maalgashado “ Waxaa uu sheegey Mudane Cabdirisaaq in Qiima Dhimsta Shirkada ay ka soo bilaabantey meel aad u Foq taasoo aan dooneyno in Shacabka Soomaaliyeed helaan Koronta Raqiis ah oo la jaan qaadi karta Caalamka.
Ugu Dambeyn Mudane Cabdirisaaq waxaa uu Carabka ku dhuftey in Qiima Dhimistaas ay bilaabanayeso Bisha lagu Jiro sidoo kale waxaa uu sheegey in Qiima Dhimistaan ay ku soo beegantey Xili loo diyaargaroobayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan si Bulshada u helaan Koronto raqiisa maadaama Bishan la isticmaalayo Xadi koronto badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com