Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre

Kulan Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa kusoo dhamaaday buuq kadib markii xildhibaanada qaar keeneen mooshin xilka looga tuurayo Ra’isul Wasaare Kheyre.

Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo goordhaw warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in xukuumada Kheyre lagala noqday codka kalsoonida.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Mursal in 170-Xildhibaan codka kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa, waxa uuna cadeeyay in cod u qaadista u dhacday si sharci ah.

Gudoomiye Mursal ayaa ku eedeeyay Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre in ay ku fashilantay qabsoomida doorasho qof iyo cod ah , meel marinta dastuurka, iyo sidii kale amaanka dalka.

Gudoomiyaha ayaana ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaare cusub maadama kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaare Kheyre.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in gadaal ka riixayay mooshinkan deg dega ah iyo xil ka qaadista Ra’isul Wasaare Kheyre, waxaana qorshahan la sheegay in lagu fashilinayo shirkii magaalada Dhuusomareeb.

 

Related posts

Xaalada Maxaabiista xabsiga dhexe oo laga dayriyey iyo Golaha shacabka oo ka dooday

Caydiid Ali

Mareykanka oo u digay muwaadiniintiisa ku sugan..

Caydiid Ali

Antonio Guterres oo Cadeymo uu ku qanci karo ka dalbaday Dowlada Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---