Allbanaadir.com
NEWS

Digniin laga bixiyey khatar maalmaha soo socda ka dhici karta qeybo ka mid ah Somalia

Hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xiriirta roobab daadad wata oo ku soo wajahan degaano ku yaalla Gobolada dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya.

War ay soo saartay Hay’adda maareynta musiibooyinka dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Todobada casho ee soo socota ay saadaashu muujineyso inuu roobka Dayrtu u soo guurayo gobollada dhexe iyo Koonfurta qeybo ka mid ah.

“Gobollada Togdheer, Nugaal, Sool, Mudug, Galguduud, Koonfuta-gobolka Woqooyi-galbeed, Koonfurta-gobolka Bari, Koonfurta-gobolka Sanaag woqooyiga-gobolka Hiiraan iyo Bariga-gobolka Bakool ayaa sida ay saadaashu sheegeeyso waxay asbuucan heli doonaan roobab ah inta u dhexeeysa 10 – 100 (mm)” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay heyadda.

Waxay intaas ku dartay Hadii roobabkaas ay gobolada uga da’aan sida ay saadaashu sheegeyso ay dagmooyin gobolladaasi ka mid ah wajihi doonaan khatar kaga timaadda halista daadadka (flash floods) ay roobabkaasi sababi karaan.

“Gobollada kale ee dalka sida: Awdal, Gedo, Jubada-dhexe, Jubada-hoose, Baay, shabeelaha-dhexe, Shabeelaha-hoose, iyo Banaadir waxay asbuucan heli doonaan roob aan sidaas u badneeyn kaas oo xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm) sidaa darteed ma fileeyno ineey saameeyn badan yeeshaan” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Somalia ayaa waxaa ka jirtay bilihii la soo dhaafay abaaro galaaftay dad iyo duunyo badan, lamana oga in roobabkan ay gaarsiisan yihiin heer ay wax ka bedelaanm abaaraha jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano iyo Masuuliyiin tagay Deegaanka Jicibow ee Dagaalka culus ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xogta kulan Wasiir Fiqi la qaatay Wakiilka Q/Midoobay ee Somalia Catriona Laing (Sawirro)

Caydiid Ali

Wada hadalkii Madaxwayne Farmaajo & Uhuru Kenyaata maku jiray ajendaha kiiska badda!!

admin
Taboola Ads ---