Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay weerarkii Hotelka Tawakal iyo Xog ku aadan cidda ku sugneyd

Weerar culus oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaw lagu qaaday hotelka Tawakal ee kuyaalla magaalada Kismaayo, waxaana qaraxa kaddib dhismaha hotelka galay dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

Rasaas xooggan ay is dhaafsanayaan ciidamada ammaanka Jubbaland iyo kooxda hubeesan ayaa laga maqlayaa dhismaha hotelka, waxaana mararka qaar la maqlayaa qaraxyo bambaanooyin ay adeegsanayaan kooxda hubeesan.

Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan kooxda weerarka ku qaaday hotelka, waxa ayna ciidamada sidoo kale wadaan dedaalo lagu badbaadinayo dad ku xayiran dhismaha hotelka.

Hotelka weerarka lagu qaaday ee Tawakal ayaa la sheegay xilliga la weerararay ay ku sugnaayeen dad badan oo qaarkood halkaasi shir ku lahaa looga hadlayay howlagalada ka dhan ah Al Shabaab, halka dad kalana u joogeen siminaar hotelka ka socday.

Xogaha aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in hotelkaasi uu deegaan u ahaa masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland, lamana oga ilaa hadda cid masuul ah oo waxyeelo kasoo gaartay weerarka wali socda.

Weerarkan lagu qaaday hotelka Tawakal ayaan wali la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay, waxaana dhismaha hotelka lasoo sheegayaa in ay ku jiraan dad dhintay iyo kuwa dhaawac ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ninkii dharbaaxay Macron oo Maxkamad la soo taagay, kana hadlay sababta ku kaliftay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Saraakiil iyo odayaal cabasho qabay (Sawirro)

Cabdi Cade

TPLF oo Fariin u dirtay Soomaalida kunool dalka Itoobiya iyo qowmiyadaha kale ee dalkaasi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---