Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaale oo warbixin laga siiyey anmniga degmoyinka Muqdisho qaarkood (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay Kulan ay warbixina quseeya Xaaladaha degmada kusoo gudbinayeen Maamulada iyo saraakiisha Amniga ee Degmooyinka xiga qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa faray Maamulada iyo saraakiisha Amniga ee Degmooyinka xiga qeybta Galbeed in ay dardargaliyaan horumarinta Degmada, iyo wax ka qabashada kiisaska Amniga la xariira ee ka dhaca degmooyinkaasi.

Waxaa uu sheegay in amniga uu yahay qodobka koowaad ee aasaasiga ah u ah nolosha, la’aantiisna aysan jiri karin wax horumar ah.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Degmada Dharkeenley ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) iyo Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho ayaa waxaa mudooyinkan ku soo badanayey falal amni daro oo ay geysanayeen ciyaal weerada iyo kooxo kale oo burcad ah kuwaasoo dhibaatooyin iskugu jira dil iyo dhac u geysanaya shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaafka Farmaajo iyo C/rashiid Janan oo gaaray halkii ugu sareeyay & Saraakiil goosatay

Caydiid Ali

Ingiriiska oo ka yaabay waxii ka dhacay xarunta Golaha Ammaanka ee QM

Cabdi Cade

Raisul Wasaarihii hore ee Itoobiya & afhayeenka ONLF oo Addis ababa ku kulmay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---