Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey askar la dilay & dagaal ka socda degmada Wanle-weyn

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed & Maleeshiyo Beeleed  ayaa ka socda degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose.

Wararka ayaa intaas  ku Daraya in dagaalka uu bilowday markii maleeshiyo hubeysan ay weerareen bar-koontorool oo Ciidamada ku leeyihiin xaafada Muuri ee degmada Wanle-weyn sida ay ku waramayaan ilo wareedyo ku sugan degmadaas.

Weerarka lagu qaaday kontrolka ciidamada ayaa salka ku haya isqabqabsi la xiriira lacago halkaas looga qaado gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sida kuwa rakaabka iyo xamuulka.

Maleeshiyada hubeysan ayaa la sheegay inay markii hore dileen afar ka tirsan ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed taasoo keentay inuu dagaalka si toos ah u bilowdo.

Xaalada degmada Wanle-weyn ayaa kacsan waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo isweydaarsanayaan dhinacyada halkaas isku fara saaray, iyadoo qeybo ka mid ah degmada ay xiran yihiin goobaha ganacsiga.

La soco wixii ka soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dufcadii ugu horeysay oo ka qelin jebisay taqasuska Shareecada & Qaanuunka ee Jaamacada Benaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Rag dilal ka geystay Magaalada Kismaayo oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Caydiid Ali

War Murtiyeed laga soo saaray Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Isaias Afewerki

Cabdi Cade
Taboola Ads ---