Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo degaano hor leh kala wareegay Al-shabaab, kuna wajahan..

Ciidamada dowlada ayaa maanta degaano hor leh kala wareegay Al-shabaab xili howlgalo ay ka socdaan degaano ka tirsan Sh/dhexe.

Afhayeenka Maamulka gobolka Sh/dhexe Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in ciidanka gorgor ay Al-shabaab ka saareen degaanada Geelgub Baqdaad Faqayaalo iyo Bur dacaar,

Daa’uud Xaaji Cirro ayaa intaas ku daray iney haatan ciidanku kaabiga u saaran yihiin degaanka Masaajid Cali Guduud oo Al-shabaab ay ku leeyihiin fariisin weyn.

Saaka ayey aheyd markii ciidamada dowlada ay gacanta ku dhigeen degaano ay ka mid yihiin Warciise, Gaaleef, Qoordheere, Jilable, oo dhammaantod hoostaga magaalooyinka Jowhar iyo Raagaceelle ee gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidanka Kumaandoska Gor-gor ayaa xaqiijiyay ammaanka guud ee degaanadaasi, iyagoo dilay ku dhowaad 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab sida uu Taliyaha Guutada 17-aad ee kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor Col. Dayax Cabdi oo howlgalka hoggaaminayay.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ayaa bilihii ugu dambeeyay guulo kasoo hooyay dagaallo ay Al-shabaab kula galeen degaanno badan oo ka tirsan Hirshabeelle, Koofur galbeed iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo go’aan ka qaadatay wadahadalo ay la yeelan laheyd Somaliland

Caydiid Ali

(Sawirro) DF iyo Dowlad goboleedyada oo 3 arrin ka wada hadlaya & Puntland oo..

Caydiid Ali

Daawo Sawirada : Xaaf iyo Generaal Gorod oo furay Wadooyin ku xirmay Dagaalkii Gaalkacyo

admin
Taboola Ads ---