Allbanaadir.com
NEWS

Xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir iyo tan Racfaan iyo kuwa …

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xilka laga qaaday guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir iyo tan racfaanka, waxaana loo magacaabay guddoomiyaal cusub oo bedelaya kuwii xilka laga qaaday.

Guddoomiyaha cusub ee maxkamada gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Garyaqaan Salah Ali Dabaan, waxa uuna booska kala wareegayaa guddoomiyihii hore ee maxkamada gobolka Garyaqaan Cabdiqadar Maxamed.

Waxaa sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir isna  loo magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed (Saciid Gureey), oo horey wax badan uga soo shaqeeyay hay’adaha garsoorka dalka.

Isbadalkan lagu sameeyay garsoorka gobolka Banaadir ayaa kusoo aadeysa xilli madaxweyne Xasan Sheekh horey u ballanqaaday in isbadal ballaaran lagu sameenayo hay’addaha garsoorka dalka oo cabasho badan laga keenay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaaraadka oo maal galinaya Dhismaha dhuun Shidaal oo isku xira Itoobiya iyo Eritrea

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey Shirka loo dhan yahay ee LDC5 (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Rooble, Madaxda dowlad goboleedyada & Musharaxiin caan ah oo kulmay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---