Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Putin oo xaalad dagaal kusoo rogay Afar gobol oo kuyaalla dalka Ukraine

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa xaalad dagaal oo degdeg ah kusoo rogay afar gobol oo kuyaalla dalka Ukraine, goboladan xaaladda dagaal lagu soo rogay ayaa waxaa heesta ciidamada Ruushka, kuwaa oo ka jaray Ukraine inteeda kale.

Ciidamada Ukraine oo dib isku soo abaabulay ayaa wada qorshayaal ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan goboladan ay heestaan ciidamada Ruushka, waxaana gobolada hadda ka jirta cabsi dagaal .

Madaxweyne Putin ayaa shaaciyay inuu qalinka ku duugay  go’aan ku saabsan in xaalad dagaal oo degdeg ah lagu soo rogo gobollada Ukraine ka qabsadeen ee kala ah Donetsk, Luhansk, Kherson, iyo Zarporizhzhia.

Putin ayaa sheegay in amarka ku saabsan xaaladda dagaal inuu dhaqan gelayo saqda dhexe ee Khamiista. Wareegtadiisa ayaa faraysa laamaha ammaanku inay muddo saddex maalmooda ku soo gudbiyaal qorshayaal gaar ah.

Abaabul dagaal ay wadaan ciidamada Ruushka ayaana ka socda gobolada uu xaalada dagaal kusoo rogay madaxweynaha Ruushka , waxa uuna Ruushka doonayaa in uu ku fara adeego heesashada goboladan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir looga hadlayay Dhismaha Wado Muhiim ah oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo hambalyo u diray Xulka K/cagta Galmudug

Caydiid Ali

Gudoomiye Yariisow oo la kulamay Haweenka Gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---