(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Dhagaxbuur

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa masuuliyiinta, waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dowlad Deegaanka Soomaalida kala hadlaya sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa safarka ku wehliya raisul wasaaraha Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Muxumed Cumar iyo xubno kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maalmo ka hor gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dedaanka Soomaalida ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa arrimo dhawr oo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka argagixisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -