Malaysia oo fashilisey afduub qarsoodi ah oo sirdoonka Israel ka wadeen Kuala Lumpur

Sirdoonka dowlada Maleysia ayaa soo furtay nin Falastiini ah oo Sirdoonka Israa’iil si qarsoodi ah ugu afduubteen Magaalada Kuala Lumpur ee caasimada dalkaas.

Mossad oo ah Sirdoonka Israa’iil ayaa soo kiraysatay Muwaadiniin u dhashay Malaysia oo ay siiyeen lacag badan, si ay ugu fuliyaan afduubka, halka Mossad ay taleefan ka hagaysay Hawsha afduubka.

Falastiiniga la afduubtay ayaa lagu hayey maalmo oo lagu qarinayey guri qarsoodi ah, Sirdoonka Israel ayaana Video Call Su’aalo ku weydiinayey, sida inuu xiriir la leeyahay Guutada Qassam ee Falasdiin ka dagaalanta.

Sirdoonka Malaysia oo ka war helay mu’aamaradan ayaa markii dambe ku guuleystay inay helaan goobtii ay ku sugnaayeen kooxda afduubka geysatay, kuwaasoo la soo qabtay ka dibna xabsiga loo taxaabay.

saraakiil ka tirsan Sirdoonka Malaysia ayaa baaritaan dheer oo ay sameeyeen waxay sheegeen iney  ku ogaadeen in Ragga afduubka sameeyey ay horay u soo tababareen sirdoonka Israel ee Mossad.

Shakhsiga la Afduubtay ayaa lagu sheegay  khabiir Falastiini ah oo ku takhasusay Cilmiga Tiknoolajiyada iyo Macluumaadka oo ay in badan raadinayeen Sirdoonka Israel.

Sida uu dhigayo sharciga Malaysiya raggan afduubka geystay ayay u badan tahay iney wajahan xukun dil ah, maadaama lagu helay Khiyaano qaran iyo iney la shaqaynayeen Sirdoon shisheeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -