Abiy Ahmed oo la kulmay Siyaasi horey dil loogu xukumay

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dalka Mareykanka kula kulmay Siyaasi Mucaarad ku ahaa dowlada Itoobiya horeyna loogu xukumay dil toogasho  isaga oo dalka ka maqan.

Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah la qaatay Berhanu Nega oo ah Hogaamiyaha Ururka Ginbot7 oo horey uga mid ahaa Ururo laga mamnuucay dalka Itoobiya kuna jiray Liiska waxa loogu yeero argagaxisada.

Kulanka dhax maray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo Hogaamiyaha Ururka Ginbot7 ayaa looga hadlay arimo badan oo xasaasi ah ay qeyb ka tahay sidii ururkaasi wadahadal ula furi lahaa dowlada .

Hogaamiyahan mucaaradka ah ee la kulmay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sannadkii 2009 lagu xukumay dil toogasho ah isaga oo dalka ka maqan, waxaana siyaasigan lagu eedeeyay in uu isku dayay afgambi.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa dhawaan liiska ururada argagaxisada waxa ay uga saartay Sadex Urur uu ku jiro ururka Ginbot 7, waxa ayna arintan qeyb ka tahay isbadalka uu Itoobiya ka hirgalinayo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -