Madaxweyne Farmaajo oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garawe (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno la socday ayaa goordhaw ka degay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay madax kala duwan.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe waxaa madaxweyne hore Farmaajo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, wasiirro iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Puntland.

Madaxweyne hore Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in kulamo kala duwan qaataan ayna kawada hadlaan xaalada siyaasadeed ee dalka ,gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha Dastuurka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -