Daawo Sawirada: Jidad hor leh oo caro lagu xiray kadib Dilal ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu dilay ku dhawaad 10-qof oo isugu jiray dad shacab ah iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya, waxaana dilalkaasi geestay kooxo aan heebtooda la garan iyo askar katirsan ciidanka dowlada.

Degmada Howlwadaag oo kamid aheyd degmooyinka ugu nabdoon ee magaalada Muqdisho ayaa shalay kaliya lagu dilay ilaa shan qof , waxaana dadkaasi la dilay afar kamid ah ahaayeen ciidamo katirsan dowlada halka kan kalana uu ahaa Xildhibaan hore.

Dilalkaan shalay ka dhacay degmada Howl Wadaag ayaa sababay in si deg deg ah Caro iyo dhagxaan loogu xiro jidad kuyaala Degmada Howl Wadaag gaar ahaan xaafada Bermuda oo kutaalo xarunta degmada oo shalay dilalka qaar ka dhaceen.

Dhoor Wado oo gasha laamiga isku xira Isgoosyada Dabka iyo Bakaaraha ayaa caro iyo dhagxaan lagu jaray, waxaana suurto gal ah in wadooyin kale iyana sidaas oo kale loo xiro si ay qeyb uga noqdaan sugitaanka amaanka Muqdisho.

Xiritaanka jidadkan ayaa saameyn badan ku yeelatay dadka degan Xaafada Bermuuda iyo sidoo kale gaadiidka iyo Mootooyinkii xaafadaasi wadooyinkooda dhax mari jiray, waxaana dadku ka walaacsan yihiin hadii jidadka lawada xiro halka la mari doono.

Dad badan ayaa isweediinaya caro iyo dhagxaan wadooyin lagu jaray waxa ay ka tari karaan amaan darida magaalada Muqdisho gaar ahaan dilalka qorsheesan, waxaana hada muuqata in dowlada ay dhagxaan kaga kalsooni badan tahay ciidanka.

Magaalada Muqdisho ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa ku dhintay ku dhawaad 20-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidan, dadkan ayaana isugu jiray kuwa la dilay iyo kuwa ku dhintay iska hor imaad ciidanka dowlada dhax maray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -