Kenya oo beri laga ciidayo iyo gobolka woqooyi Bari oo bisha Shawaal laga arkay

Dalka Kenya oo Soomaali badan ku nooshahay aya laga soo sheegay in laga arkay bishii Shawaal, iyadoo Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida Kenya uu sheegay in dhalashada bisha Shawaal laga arkay meelo ka mid ah Kenya, oo ay ka mid yihiin Garissa iyo Mandhera.

“Waxaan ka xaqiijinnay aragtida bisha dhowr meelood oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari Kenya sida deegaanka Korkora oo hoos taga Garissa iyo xerada qaxootiga Xagardheer, oo isla Garissa ah, waxaa kale oo aan ka xaqiijinnay ilaa 3 meelood oo ka tirsan Mandhera”, ayuu yiri Shiikh Uma oo u warramay BBC-da.

Sidoo kale aragtida bisha soon fur ama Shawaal ayaa maanta oo Isniin ah laga arkay dalka Sacuudiga, sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Sacuudiga.

Dalalka Ciraaq, Sacuudiga, Kuweyt, Turkiga iyo Qatar, imaaraadka, Baxreyn iyo dalalkale ayaa illaa hadda shaaciyey iney beri ciid tahay, balse dowlada Somalia warkeeda ayaa aad loo wada sugayaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -