Wasiir Abuu Mansuur oo soo bandhigay Qorshayaal looga adkaan karo kooxda Al Shabaab

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee hadda ka socda qeybo kamid ah dalka iyo sida looga adkaan karo.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab loo baahan yahay in lagala dagaalamo dhinacyo badan sida fikirka, waxa uuna culimada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan cabsan oo dadku u cadeeyaan in kooxdaasi lala dagaalamo si looga guuleesto.

Waxa uu sheegay Abuu Mansuur in dhallinayarda hubeesan ee katirsan Al Shabaab aysan fahmeyn luqad aan aheyn rasaas aheyn , waxa uuna xusay in hoggaamiyaasha Al Shabaab in carruurtooda meelo nabbad ah ku nool yihiin waxna ku bartaan.

“Ilmahaas duurka ku jira luuqad aan rasaasta aheyn fahmi maayaan, kuwa soo dirayna ilmahooda jaamacadaha ayey aduunka ka dhigtaan, horaan u sheegay, aan iska dhicino oo hal maalin aan ku dhaqaaqno,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab si tartiib tartiib ah dadka Soomaaliyeed u leynayaan, waxa uuna xusay in kooxdaasi haddii hal mar dagaalkooda loo midoobo loona dhaqaaqo soo afjarmayaan  intii ajashooda gashana halkaas mar dhimanayaan.

“Maadaama daraasiin loo dhimanayo, hal maalin hadii lagu dhaqaaqo intaas nagama dhimaneyso, ajal ayaa loo dhintaa, ee raggaas xuquuqdeena hor istaagay aan iska difaacno, dhalinyaradaas kuwa soo diray ilahoodu jaamacadey Xamar ka dhigtaan, iyaguna waxay xaq u leeyihiin inay waxbartaan ee aan ka soo reebno caruurta, ayagana leyno,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe dhinacyo kala duwan loogala dagaalamayo kooxda Al Shabaab, waxaana qorshayashaasi kamid ah dhinaca fikirka, dhaqaalaha iyo sidoo kale dagaal toos ah oo kooxdaasi lagu qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -