Wararkii Ugu Dambeeyay doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Ciidamada dowlada oo …

Waxaa beri oo axad ah lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa oo horey dib loogu dhigay.

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in beri dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxaana doorashada isku diiwaan galiyay ilaa 9-musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa si weyn loo wada sugayaa, waxaana inta badan lasii ogyahay shaqsiga loo dooranayo Madaxweynaha Galmudug iyadoona Madaxweyne kuxigeenka aan la saadaalin karin.

Amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana qeybo badan oo magaalada kamid ah lasoo dhigay ciidamo isugu jira booliis iyo Nabad sugida oo xaqijinaya amaanka guud ee magaalada.

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa wada olole aad u xoogan, waxaana guryaha musharaxiinta lagu arkayaa xildhibaanada Galmudug iyo dad kale oo dilaaliin ah .

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga dhursugaya Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo marar badan dib u dhacday, lamana oga in doorashada beri ay kasoo qeyb gali doonaan wakiilada beesha Caalamka iyo in kale.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha doorashada kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -