Bangiga Salaam Somali Bank oo xarun cusub ka furtay Taleex ( Daawo Sawirro)

Bangiga Salaam Somali Bank oo ka jawaabaya Codsiyada Bulshada balaarinayana xarumaha uu ku leeyahay Muqdisho ayaa qeyb Cusub ka furay agagaarka Tarebiano nawaaxiga isgooyska Taleex degmada Hodon ee gobolka Banaadir gaar ahaan Dhismaha TCC.

Xaruntan Cusub ayaa loogu tala galay in ay ka faaii’deystaan dadka ku nool degmooyinka waabari iyo hodon, xamar jajab, dadka meheradaha ganacsi ku leh aagaasi, kuwa socotada ah. si ay uga maarmaan in meel masaafa ahaan ka fog ay u aadaan adeegyada Bangiga.

Qeybtan Cusub waxaa ku dhameestiran dhamaan adeegyada bangiga sida Sameesashada Koonto Cusub, lacag dhigashada iyo la bixida ATM iyo MasterCard’s.

Munaasabada xariga looga jarayay xaruntan oo loo diyaariyay qaab casri ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socotay bangiga.

Cabdifataax Maxamuud Xuseen oo ah Superviserka xarunta Cusub ee bangiga Salaam Somali Bank oo si guud uga warbixinayay Furitaanka xaruntan cusub ayaa sheegay in ay ka go’antahay haqabtirka baahiyaha bulshada ay u qabaan adeegyada bangiga iyaga oo ka heli kara meelaha ugu dhow sidaas awgeedna looga furay agagaarka isgoyska taleex qeyb cusub oo bangigu leeyahay oo macaamiishu ay ka heli karaan adeegyada shirkadda.

qaar kamid ah macaamiisha bangiga iyo ganacsatada ka ag dhow halka laga firay oo ah Dhismaha TCC ayaa soo dhaweeyay xaruntan cusub salaam soomaali bank ee laga furay Agagaarka isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

Bangiga salaam Somali Bank ayaa leh dhowr adeeg oo bulshadu ay ugu mahdiyeen kuwaasi oo kala ah Adeegga ATM, Adeegga Swift oo kuu sahlaya in dalka dibadiisa lacago aad u dirsan karto lagaagana soo diri karo adeegga Paypall iyo Adeega E-Bank oo kuu suurta galinaya adiga oo bangiga imaanin aad lasocoto dhaq dhaqaaqa Koontadaada waxaana bangiga uu qabtaa Muraabaxa, maalgalin.

Adiga oo isticmaalaya adeegga EVC-ga Shirkadda Hormuud ayaa waxaad lacagtaada toos ugu shuban kartaa koontadaada, Aad ku leedahay Salaam Somali Bank.

 

- Advertisement -