Somalia oo gaartay Finalka tartanka K/Cagta bariga iyo bartamaha Afrika

Ciyaartoyda Xulka qaranka Somalia ee ay da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ee bariga iyo bartamaha Afrika ayaa maanta guul ka gaaray ciyaar ay isaga hor imaadeen dhiggooda dalka Uganda.

90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa ayaa ku dhamaaday barbardhac 1-1 ah, waxaana labada kooxood loo dhigay tartan gool ku laad ah oo ugu dambeyn ay guushu ku raacday Somalia.

Hal ciyaar oo ay guul kale gaaraan ayaa Somalia ka hor taagan in ay hantaan koobka CECAFA ee bariga iyo bartamaha Afrika. Tartankan waxaa si gaar ah loogu qabtaa ciyaartoyda ay da’doodu ka hooseyso 17-ka sano.

Galabta waxaa ballansan xulalka Tanzania iyo Suudaanta Koonfureed oo kii guuleysta ay fiinaalka u sii fadhiso Soomaaliya.

Soomaaliya oo saddex dhibic uga soo baxday Guruubka A, ayaa horay u soo ciyaartay labo kulan. Ciyaartii ugu horreysay waxay ka adkaaday xulka martigelinaya tartanka ee Itoobiya, waxayna uga soo badisay hal gool iyo waxba. Halka kulankii labaad ay Soomaaliya wajahday Tanzania, waxaana la dhadhan siiyay guul darro hal gool iyo labo ah.

Waa markii ugu horeysay ee Koox meteleysa Somalia ay Final ka gaaraan tartamada caalamiga ah tan iyo markii ay bururtay dowlada dhexe ee Somalia 30 sano ka hor, iyadoo la wada ogyahay guuldarooyinkii isdaba jooga ah ee ciyaartoyda Soomaaliya kala soo hoyan jireen tartamada dibeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -