Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo Jaamacadda Nabada ee Qaramada Midoobay ka qaatay..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay shahaadada sare ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ku bixinayso hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta adeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah.

Madaxweynaha ayaa xusay go’aanka dowladdu ee ku aaddan in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare laga dhaafo lacagta qaadashada shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda laga maalgelinayo xaqiijinta xuquuqdan aas-aasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin ubadkeenna Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa ku bogaadiyey Jaamacadaha gudaha dalka kobaca ay sameeyeen, waxa uuna kula dardaarmay in ay waxbarashada heerka sare ay la kaashaadaan dhiggooda kaga horreeya caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Real Madrid oo garab siisay kana farxisay Wiil qoyskiisa ku dhinteen Dhul-gariirkii Marocco

Cabdi Cade

(Akhriso) Hay’adda Socdaalka & Jinsiyada oo ka falcelisay talaabo uu qaaday Aqalka Sare

Caydiid Ali

Dowlada Afghanistan oo aqbashay shuruud Taliban ku xirtay iney wada hadlaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---