Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Afghanistan oo aqbashay shuruud Taliban ku xirtay iney wada hadlaan

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa soo saaray wareegto ogolaaneysa in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo kumanaan ka tirsan ururka Taliban, taasoo wadda u xaareysa in milatariga Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan.

Arrintaan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii ay Taliban iyo Mareykanka dhawaan ku gaareen magaalada Doha ee dalka Qatar, kaasoo hadafka ugu weyni yahay in lagu soo afjaro colaadda dalka Afghanistan ka jirta mudda 19-ka sano.

Taliban ayaa ku adkeysatay in hadii ay wadahadal la galeyso dowlada Afghanistan ay marka hore tahay in xabsiyada laga sii daayo kumanaan maxaabiis ah oo kaga xiran xabsiyada dalkaas.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in muddo 14 bilood ah ay dalka Afghanstan uga baxaan dhamaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulufada lah ee NATO, halka Taliban looga baahanyahay in ay dib-u-heshiisiin siyaasadeed la gasho dowladda Afghanistan.

Mareykan durbaba wuxuu billaabay inuu ciidanka kasoo saaro Afghanistan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay milatariga, ilaa 8,600 oo askari ayaa laga soo saari doonaa muddo 135 cisho gudahood, iyadoo Ciidanka Mareykanka ee Afghanistan jooga ayaa hadda ah 13 kun oo askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariye Axmed Xuseen Cadow oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Maxamed Bin Salman oo Ra’isul Wasaare laga dhigay iyo Wiilal la dhashay oo Wasiiro noqday

Cabdi Cade

Dayuurada Kenya Airweys oo laga mamnuucay dalka Imaaraadka iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---