Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidanka Ruushka oo afduubtay Mr. Valeriy Martynyuk & Ukraine oo ka qeylisay

Ku xigeenka madaxa warshada tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukrain, ayaa waxaa afduubtay ciidamada Ruushka, waxaana lagu hayaa meel aan la garanayn, sida ay sheegtay shirkadda tamarta Nukliyeerka ee dawladda Ukraine Energoatom Talaadadii.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Telegram-ka, Energoatom wuxuu ku sheegay in sarkaalka, Valeriy Martynyuk, la qabtay Isniintii. Wasaaradda difaaca ee Ruushka si degdeg ah ugamay jawaabin.

Energoatom wuxuu ugu baaqay madaxa Hay’adda Tamarta Atoomikada Caalamiga ah Rafael Grossi inuu qaado “dhammaan tillaabooyinka suurtagalka ah” si loo sii daayo Martynyuk. IAEA kama aysan jawaabin..

Dhacdadani waxay daba socotaa xadhigii madaxa warshada, Ihor Murashov, Oct. 1. Grossi wuxuu ku dhawaaqay in la sii daayay Oktoobar 3, ka dib IAEA waxay sheegtay in Murashov uusan ku soo laaban doonin shaqadiisa madaxa warshadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo shaacisay in howlgal qorsheysan lagu dilay in ka badam 70 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Belgium oo ku baaqday in Maxkamada dembiyada la soo taago Madaxda Israel

Caydiid Ali

Masuuliyiin hor leh oo ku dhintay qaraxii Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---