Allbanaadir.com
NEWS

Nin hubeesan oo qalqal ka abuuray Suuqa Bakaaraha iyo Ciidamada amniga oo qabtay

Ciidamada ammaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay nin hubeesan oo la sheegay in rasaas ku furay goobo ganacsi oo kuyaalla Suuqa, ninkan ayaana saacado qalqal galiyay ganacsigii ka jiray suuqa.

Taliyaha booliiska saldhigga Howlwadaag Najiib Carab ayaa warbaahinta u sheegay in ganacsatada suuqa bakaaraha kusoo wargaliyeen laamaha amniga ninka hubeesan ee rasaasta ku furay goobo ganacsi oo suuqa kuyaalla.

Waxa uu sheegay taliyaha in ninkan hubeesan uu katirsanaa kooxda Daacish, waxa uuna xusay in gacanta lagu hayo uuna ku socdo baaris , waxa uuna cadeeyay in shacabka markan iska diideen handadaada kooxaha hubeesan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka hubeesan uu katirsanaa kooxda Daacish, waxaana ninkan xilligii la qabanayay la sheegay in uu cabsi galin ku hayay qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Kooxda Daacish ayaa horey u xir xirtay qaar kamid ah goobaha ganacsi ee kuyaalla suuqaasi, kuwaa oo la sheegay in ay ka biyo diideen bixinta lacago baad ah oo ganacsatada ku amreen in ay bixiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) DF iyo IMF oo soo gebagebeeyey shir looga hadlay Barnaamijka ECF

Caydiid Ali

Imaaradka, Qatar iyo Turkiga oo isku heesta maamulida Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah

Cabdi Cade

Xasan iyo Xamse oo laga dalbaday in caddeeyaan hubkii shacabka la wareegeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---